Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey xarunta madaxtooyada Turkiga ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay garab istaag iyo taageero buuxa u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilli ay la daala-dhacayeen xaalad adag, iyaga oo u soo gurmaday waqtigii ay ugu baahida badnaayeen.
Madaxweyanha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay dhiggiisa Turkiga kalgacalka ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowladda iyo walalohooda Turkiga iyo waliba abaalka ay uga hayaan taageeradooda hagar la’aanta ah.
Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda Turkiga ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta amniga, tababarridda, tayeynta ciidanka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada.
Waxaa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay uga wada hadleen kulan ay yeesheen isaga iyo Erdogan.
Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda ahna wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa Magaalada Ankara kula saxiixday heshiis ku saabsan deeqo gaar ah wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada ee Turkiga Murat Kurum.
Heshiiska ayaa waxa uu si mug leh u caddaynayaa in laga dhiso Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga dhismo ballaaran oo qeybo kala duwan leh oo ka tarjumaya baahida Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dhankiisa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo wafdigiisa aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyey, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdiisa ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta heshiisyada ganacsiga iyo maalgashiga ka dhaxeeya labada.
Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah iyo mid istiraatijiyadeed oo sal-adag oo leh heer siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, milatari iyo kuwo kale.




