Moses Wetangula oo beeniyay inuu xiriir la leeyahay shirkad daabacaysa warqadaha codeynta

0
616

Senatarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula ayaa beeniyay warar la faafiyay oo lagu sheegay inuu xiriir la leeyahay shirkadda Inform Lykos oo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu qandaraas siiyay.
Shirkaddan ayaa laga doonaya inay soo daabacdo oo ayna guddiga ku wareejiso warqadaha codbixinta ee doorashada guud.
Wargeyska Daily Nation ayaa maanta qoray warbixin ah in isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya uu doonayo in guddiga IEBC, EACC iyo waaxda dambi baarista ee DCI ay baaritaano ku sameyaan Wetangula maadaama lala xiriirinayo saddex ganacsade oo shirkadda ka tirsan.
Hasa ahaate waxaa uu senatarka hoosta ka xarriiqay in eedeynta loo jeedinayo aynan sax ahayn oo wararka la faafiyay ay yihiin kuwo aan niyad wanaag ku saleysnayn.
Wetangula ayaa sheegay inuusan weligii wax ganacsi ah la yeelan IEBC oo uunan xita fahansanayn ka ganacsiga daabacaadda warqadaha codbixinta.