DHAGEYSO:Ciidamada booliska oo howlgallo kala duwan saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay Muqdisho

0
441

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo kuwa nabad sugidda ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay magaalada Muqdisho ka sameeyeen howgal lagu soo qabtay hub, waxyaabaha maanka dooriya iyo kooxo hubaysan oo dadka dhac u gaysanayay.
Howlgalladan ayaa si gaar ah Ciidamada ay uga sameeyeen degmooyinka Howlwadaag, Hodon, Dharkeeneey, Yaaqshiid, iyo Wadajir.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya gaashanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo raggii watay oo dadka dhac u gaysanayay iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamadda dowladda aysan joojin doonin howlgalladaan ilaa laga ciribtiro kooxa dhaca u gaysanaya shacabka Muqdisho.
Afhayeenka booliska Soomaaliyaa ayaa sheegay in Ciyaal weerada ay isku beddeleen Kooxo gaangis ah oo dadka dhibaato xooggan ku hayo isagoona ballanqaday in ay ciribtiri doonaan, wuxuuna u mahadceliyay laamaha ammaanka iyo warbaahinta.

Waalidiinta dhalay ciyaal weerada ayuu uga digay in ay soo raadiyaan marka ay soo qabtaan ciidamada Booliska, oo ay marka hore ilaaliyeen kana warqabaan ilmaha ay dhaleen.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in tallaabo adag la qaadi doono shakhsiyaadka hubka sharci darrada ah ku dhex haysto magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay in sharciga horgeyn doonaan shakhsiyaadkii ay gacanta ku dhigeen, isagoona shacabka gobolka banaadir ugu baaqay inay laamaha ammaanka ay la shaqeeyaan.

Shacabka ku nool Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa soo wajahday maalmihii lasoo dhaafay cabsi xooggan oo ah in ay dhibaato kala kulmaan kooxaha burcadda ah ee dhaca gaysta.
Waxyaabaha bulshada ay ka falcilyeen waxaa ka mid ah oo ay ciidanka booliska ku eedeeyaan in la sii ogyahay xilliyada ay howlgallada sameynayaan taasi oo kooxahan burcadda ka saacideysa in ay feejignaan muujiyaan.