Dibi haweeney ku dilay ismaamul ka tirsan Kenya oo xabsiga lagu sii hayn doono

0
353

Waxaa xabsiga lagu sii hayn doona Dibi haweeney 60 sano jir ah ku dilay tuulo ku taalla deegaanka Lurambi ee ka tirsan ismaamulka Kakamega.
Dhacdadan ayaa murugo ku abuurtay qoyska haweeneyda ee uu Dibiga dilay.
Milkiilaha Dibiga ayaa sidoo kale gacanta lagu dhigay, iyadoo booliska ay haatan wadaan baaritaanno la xiriira dhacdadan.
Haweeneyda uu Dibiga dilay ayaa magaceeda lagu sheegay Felistus Luda.
Dad goobjoohayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in xilligii uu haweeneydaas hardinayay Dibiga uu la socday wiil ay ayeeyo u ahayd kaas oo orod kaga baxsaday Dibiga.
Taliyaha booliska ee bariga ismaamulka Kakamega Mr.Robert Makau ayaa u sheegay warbaahinta in laamaha ammaanka ay soo badbaadiyeen Dibiga, ka dib markii dadka deegaanka ay isku dayeen in ay dilaan ka dibna ay hilibkiisa qaybsadaan si ay u cunnaan.
Dhanka kale milkiilaha Dibiga ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago, si uu u wajaho eedeymo la xiriira dayacaad la xiriirta maareynta xoolaha.
Booliska ayaa sidoo kale laga soo xigtay in milkiilaha Dibiga uu isku dayay in uu la xaajoodo qoyska haweeneyda dhimatay si ay arrintan uga xalliyaan meel ka baxsan maxkamad.
Su’aasha ay dadka isweydiinayaan ayaa ah Dibigaas ku jira gacanta booliska maxaa laga yeeli doona?