Gaashaanbuurta NATO ayaa billowday geeddisocod ay ku ansaxinayso xubinnimada dowladaha Sweden iyo Finland.
Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay inay maalin farxadeed u tahay Finland iyo Sweden iyo si guud 30-ka xubnood ee isbeheysigan militari.
Waxaa uu sheegay in ku biiritaanka labada dowladood ee NATO ay awood dheeraad ah siinayso dalladdan si loola tacaalo waxa uu ugu yeeray khatarta ugu wayn ee amni ee tobaneeyo sano ah.




