DHAGEYSO:Aas qaran oo loo sameeyay (AHN) Khadra Daahir Cige

0
517

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta khabuuro ku yaalla Xaafadda Halleeye ee duleedka Waqooyi ee Magaalada Hargeysa lagu Aasay meydka Fannaanadii hore ee Khadro Daahir Cigge oo xalay ku geeriyootay Magaalada Hargeysa.
Maalmihii la soo dhaafay ay xanuun soo wajahay la jiiftay Isbitaalka International ee magalaada Hargeysa, halkaas oo ugu dambeyn ku geeriyootay, waxaana Aaska Maanta ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Abwaaniin, Ehellada Marxuumadda iyo dadweyne kale, iyada oo uusan Aaska ka qayb gelin Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Abwaanniinta iyo Fannaaniinta Aaska ka qayb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Saalax Qaasim Naaji iyo Abwaan Dacar, iyaga oo ka sheekeeyay taariikhda fannaannada iyo waxa ay ka yaqaaneyn, waxaana ay Alle uga baryeen in uu Janada Fardowso ka waraabiyo.
Sanadkii 1974-kii ayay si rasmi ah ugu soo biirtay fanka soomaaliyeed Alle ha u naxaristee Khadra Daahir Cigge.
Fanka marxuumad Khadra Daahir Cigge ayaa ka soo hana qaadday magaalada Hargeysa iyada oo markii dambe uu u gudbtay gobollada Soomaliya intiisa kale.
Fannaaniinta iyo Abwaannada kooxda Hobollada Waaberi ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Khadra Daahir