Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, ayaa markale sheegay in Mareykanku uu hal siyaasad ka haysto Soomaaliya, uuna aqoonsan yahay xuduudka la sameeyay xilligii xurriyadda.
Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis oo qayb ka ah dabbaal degga xuska xurriyadda Soomaaliya.
“Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen waxii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Soomaaliya oo ay hal dal wada dhisteen,” ayuu yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.
Danjire Andre ayaa sheegay in aqoonsiga wada-hadallada maqaamka madax-bannaanida ay tahay inay si gaar ah u go’aamiyaan Soomaaliya iyo Somaliland.
Waxaa uu intaasi ku daray in Mareykanka uu wax ka beddeli doono siyaasaddiisa Soomaaliya oo hal ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan in xaalad isbeddel ah la sameeyo.
Hadalka Safiirka Mareykanka ayaa yimid, xilli Somaliland ay dowladda Mareykanka u gudbisay in loo ixtiraamo gooni isku taaggooda ay ku doonayaan in ka go’aan Soomaaliya inteeda kale.
Home Wararka Soomaaliya Larry Andre: Mareykanka waxba kama beddeli doono siyaasaddiisa ku aadan Soomaaliya oo...