Alle ha u naxariistee waxaa caawa fiidkii ku geeriyootay magaalada Hargeysa fannaanadii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige.
Khadra Daahir ayaa sanadkii 1957-kii Hargeysa ku dhalatay.
Marxuumadda ayaa maalmahan ku jirtay isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa oo loo dhigay xanuun hayay.
Waxaa ay fanka ku soo biirtay sanadkii 1974-kii, iyadoo xilligaasi qaadday heesteydii ugu horreysay ee la oran jiray afka lagama sheegto adiga oo aan jaceyl arag.
AUN, Khadra Daahir Cige ayaa waxaa ay ka mid ahayd fannaaniintii hobollada Waaberi.
Waxaa ay Fannaanadda intii ay noolayd wareysi siisay warbaahinta, ayay sheegtay inay qurbaha joogtay muddo ku siman 25 sano, taasi oo ay ku macneysay inay ahayd mid adag, oo aan habeen loo dhigin teena wadanka.
Fannaanadda Codka halaasiga lahayd waxay fanka ka baxday sanadkii 2002-dii, waxay dhawaanahaan ku noolayd magaalada Hargeysa, iyadoo qurabaha tageysay sanadkiiba mar taasi oo ay sheegtay inay carruurteeda soo eegto.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamulka Somaliland, Siyaasiyiin iyo Fannaaniin Caan ahaa ayaa ka tacsiyeeyay geerida Fannaanadii weyneyd ee Khadra Daahir Cige.