Laftagareen “Soomaaliya waxay gashay gumeysi qarsoon oo meelo kale laga soo maleegay”

0
683

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad (Lafatagareen) ayaa sheegay in xilligii Soomaaliya ay ka xoroobeysay gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska ay ahaayeen kuwo mideysan oo ay ka go’neyd in dadka ka dambeeyay xurnimo ku noolaadaan.
Madaxweyne Laftagareen oo khudbad ka jeedinayay munsaabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayuu sheegay inay nasiib darro tahay in 62 sano ka dib xilligan dowladnimada Soomaaliya ay marxalad adag gashay, islamarkaana uu dalka ku jiro gumeysi qarsoon oo meelo kale laga soo maleegay.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed maskaxda laga qabsaday, islamarkaana dadkooda, dowladooda iyo calankooda intaba lagu diray, iyaga oo u soo maleegaya dhibaatooyin kala duwan.
Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Soomaaliya looga dabbaal degayo markii Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay la midoobeen Gobollada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.