Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya gaar huteelka Decale oo ku yaala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa hadda ka bilowday Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga musharaxiinta kaa oo looga hadlayo dhameystirka Heshiiskii 25kii bishii Febaraayo ee sanadkan.
Shirka oo ah mid la wada sugaayay ayaa waxaa Maanta qeyb ka ah Ra’iisul Wasaarhii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ka cudur daartay in uu ka qeyb-galo shirkii hore iyo Xubno kale.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in shirka looga hadlayo sidii loo sii dhameystiri lahaa heshiiskii 25kii Febraayo, isla markaana Xukuumadday ay dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo.
Wararka la helay ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka looga hadli doono kaalinta ay Midowga Musharixiinta ku yeelan doonaan wada-hadallada al xiriira arrimaha doorashooyinka ee ku saabsan dhameystirka & dhaqangelinta heshiiskii 17-kii September.
Sidoo kale xogaha la helay ayaa sheegaya in kulanka lagu sameyn doono laba Guddi oo labada dhinac ka kala socda, kuwaas oo kala ah gudiga xaqiiqo raadinta dhacdadii 19-kii Febaraayo iyo Guddiga qorsheynaya dibadbaxa ay ku dhawaaqeen Midowga Musharixiinta.
Beesha Caalamka oo dhowr jeer kulan la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ay ka dalbadeen in uu qaato doorkiisa ku aadan wada-hadallada mucaaradka iyo hirgelinta doorashooyinka.