DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo baaq u diray qurbajoogta

0
474

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka qAyb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen aqoonyahannadii wax ku soo baratay dalka Malaysia.
Waxaa uu qurbajoogta Soomaaliyeed ugu baaqay inay isbeddel horumarineed ka sameyaan dalkooda iyagoo ka faa’iidaysanaya aqoontooda iyo khibradooda.
Waxaa uu ra’iisul wasaare Xamse wax aan la qaadan karin ku sheegay baahida iyo duruufaha nololeed ee hadda ka taagan Soomaaliya oo hadda laga tashado in badan oo ka mid ah la xallin karo.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay magaalada uu ka yimid ee Kismaayo deegaanno ka tirsan ay abaar aad u daran ka jirto islamarkaana dad barakacayaal oo halkaasi ku sugan aynan haysan xitaa biyo ay cabaan

Waxaa uu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka saarta dhibaatada culus ee ka taagan ee dhanka ammaanka, abaaraha iyo musuqmaasuqa.
Xamse ayaa xusay in xafiiskiisa iyo ammaankiisa ay ilaaliyaan ciidamo shisheeye, taasina ay tahay nasiib darro haysata umadda Soomaaliyeed.