Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo ku saabsan Akhrinta 2-aad ee Miisaaniyadda dowladda ee 2022-ka.
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hor tagay Baarlamaanka Golaha Shacabka, iyadoo Su’aalo laga weydiiyay arrimaha ku aaddan Miisaaniyadda Dowladda.
Xildhibaanada ayuu kaga warbixiyay arrimaha Miisaaniyadda, waxaana intii uu Baarlamaanka ka hor hadlayay uu carrabka ku dhuftay in sanadkii hore ay wasaaraddiisu sameysay Xisaab xir, taasi oo Xildhibaanada qaar ay su’aalo galiyeen.
Wasiir Cadbiraxmaan Beyle ayaa sheegay in aysan jirin xisaab xir ku maqan wasaaradda Maaliyadda, isagoona ku eedeyay Baarlamaankii hore in aysan sameeynin xisaab xir.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo kale oo muhiim ah, oo ku aadan arrinta Maaliyadda iyo sida ay Wasaaraddiisu u maaraysay, intii uu xafiiska fadhiyay, waxaana Wasiir Beyle uu ka jawaabay su’aalaha ay Xildhibaanadu weydiiyeen, kuwaasi oo qaarkood ahaa kuwo aad xasaasi u ah.
Wasiirka oo arrimahan ka hadlay ayaa waxa hadalladiisa ka mid ah.
Kulanka maanta ee golaha shacabka Soomaaliya oo diiradda lagu saaray Akhrinta 2-aad ee Miisaaniyadda ayaa horay Xildhibaanada lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan, waxaana haatan xarunta ku sugan dhammaan Guddoonka Golaha Shacabka iyo mudanayaasha Baarlamaanka.