Labo qof ayaa lagu dilay, 3 kale oo labo ka mid ah ay ahaayeen wariyeyaal wey ku dhaawacmeen ka dib markii qarax waddada dhinaceeda la dhigay uu qabsaday mid ka mid ah gawaari kolonyo ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo marayay meel ku dhow tuulada Qabno ee degmada Matabaan ee isla gobolkaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo ku dhow booliska gobolka.
Labada suxufi ee qaraxa ku dhaawacmay oo la kala yiraahdo Khaalid Muxumad Ilkacase iyo Cabdikariim Maxamad Siyaad ayaa u shaqeynayay telefishanka maamulka Hirshabeelle, waxaana midkood soo gaaray dhaawac culus, sida laga soo xigtay xubno kamid ah dadkii la socday kolonyada qaraxa lagu weerarray.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo saraakiishii la socotay ayaa la sheegay inay ka babqabaan waxyeelada qaraxa.
Guddoomiye Cali Jeyte iyo ciidanka dowladda ayaa dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyay howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka waday waddooyinka u dhexeya magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxayna saaka ciidanka dowladdu galeen tuulada Qabno oo ay Shabaabku horay u fadhiyeen.
Home Wararka Soomaaliya Qarax lala beegsaday mas’uuliyiin iyo wariyeyaal oo ka dhacay gobolka Hiiraan