DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in goonni isu taagga Somaliland ay tahay in laga garaabo

0
488

Ra’iisul wasaaraha cusub ee uu shalay golaha shacabka Soomaaliya ansaxiyay Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka dalkaasi ka jira sida abaaraha, amniga iyo dhameystirka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC-da, ayuu sheegay in dowladdiisu ay sidoo kale xoogga saari doonto sidii Soomaaliya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo ah ay ugu wada hadli lahaayen.
Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 26-ka Juun oo ah maalintii gobollada waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, ayuu raiisul wasaaraha  sheegay in loo baahan yahay in laga garaabo goonni isu taagga Somaliland.

Dhanka kale raii’sul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka dhexmaro rai’sul wasaaraha iyo madaxweynaha iyo weliba xiriirka dowlad goboleedyada.