30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay isbitaalka Kismaayo

0
335

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa 30 Carruur ah saacadihii la soo dhaafay xaalad nafaqa darro ay ugu geeriyoodeen isbitaalka Magaaladaasi.
Carruurtaan ayaa waxaa laga kala keenay qaar ka mid ah deegaannada iyo degmooyinka Gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan deegaannada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab, waxana saameyn wayn ku yeeshay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannada Jubbaland.
Madaxa qaybta Nafaqo darrada ee Isbitaalka Kismaayo Faysal Aadan Ibraahim oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee Voa-da ayaa sheegay in dad gaaraya ilaa 400 oo Ruux oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta ee ka qaaday xanuuno kala duwan haatan lagu daweynayo isbitaalka Magaalada kismaayo.
Sidoo kale Faysal ayaa sheegay in xaaladda nafaqa darro ee haysata Carruurta ku nool deegaannada Gobollada Jubbooyinka ay yihiin kuwo aad u daran ayna si wayn u saameysay abaarta, sidoo kalena ay jiraan kuwo badan oo weli ka barakacaya.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Jubbooyinka ayaa waxa weli ka jirta abaar daran, waxaana ay si wayn u saameysay dad iyo duunyo, iyada oo dowladda Maamulka Jubbaland iyo Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here