Mid ka mid ah raggii ay Puntland toogashada ku xukuntay oo sheegay in laga been abuurtay

0
568

Ninkan oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor) ayaa Maxkamadda Ciidamada Puntland ku sheegtay inuu yahay hoggaamiyaha shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka gaysan jirtay magaalada Boosaaso, waxaana toddobaadkan lagu xukumay dil toogasho.
Cabdiraxmaan Laahoor ayaa isaga oo la hadlay Idaacadda laanta afka soomaaliga ee Voa-da sheegay in uusan wax lug ah ku lahayn dambiyada lagu soo eedeyay, isagoo sheegay in Saddex jeer loo xiray inuu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabab, balse wax dambi ah lagu waayay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan uu ku sugan yahay tuulo la yiraahdo Jaceyl oo ka tirsan gobolka Bari, halkaas oo ay ku nool yihiin Waalidiintiisa, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu tago magaalada Boosaaso, si uu uga garbaxo dambiga loo haysto ee dilka toogasho ah oo loogu xukumay.
Afar nin oo labo maalin ka hor ay Puntland xukun dil ah ku ridday ayaa sheegay inuu Laahoor yahay hoggaamiyahooda bixin jiray amarrada lagu fuliyo dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Boosaaso, hayeeshee uu Laahoor eedeyntaasi beeniyay.