Dhaxal sugaha Sacuudiga oo la kulmaya Erdogan

0
437

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Socdaalkan uu ku tagaya Turkiga ayaa noqonaya midkiisi ugu horreeyay tan iyo markii sanadkii 2018-kii la dilay wariye Jamal Khashoggi.
Dilkaasi ayaa ka dhacay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Wada hadalka Maxamad Bin Salmaan iyo Erdogan ayaa ku soo beegmaya hal bil ka hor inta uunan madaxweynaha Maraykanka Joe Biden safar ku tagin magaalada Riyaadh ee Sacuudiga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in go’aanka madaxweynaha Turkiga uu dib ugu soo noleynaya xiriirka kala dhexeya Sacuudiga uu yahay mid salka ku haya arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga.