Booliska oo hub ku qabtay xaafadda Kilimani ee Nairobi

0
559

Ciidamada booliska ayaa lagu soo warramayaa inay xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi ka helaan 22 qori iyo in ka badan 565 xirmo oo rasaas ah.
Saraakiisha ayaa hubka ka soo qabtay guri la sheegay inuu kireystay qof ganacsigan sharci darrada ah ku howlanaa.
Waxaa sidoo kale halkaasi laga soo helay shatiga ganacsiga ee ay bixisay dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi oo waqtigiisu uu dhacay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xilligii ay ciidamada hubkan helayeen ay goobta u tageen in la xaraasho hantida ganacsade lagu magacaabo Ken Lugwili.