Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga oo isku soo bax siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Isiolo ayaa ballanqaaday inu haddii hoggaanka wadanka uu ku guulaysto maamulkiisa uu xallin doono amni darrada waqooyiga iyo bariga dalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan marnaba loo dul qaadan karin in qof muwaadin ah uu habeenkii seexdo isagoo ka cabsi qabo in la soo weerari karo.
Mr. Odinga ayaa ku celceliyay in dowladda ay mas’uuliyad dastuuri ah ka saaran tahay badbaadinta dadweynaha iyo hantidooda.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa tilmaamay in cidii dil gaysata iyadana laga takhalusi doono.