Darasaad lagu ogaaday in Sakaja uu ka caansan yahay musharraxiinta kale ee u tartamaya xilka guddoomiyaha Nairobi

0
285

Shirkadda darasaadka ee TIFA ayaa ra’yi uruurin cusub oo ay sameysay ku ogaatay in senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja uu ka caansan yahay musharraxiinta kale ee u tartamaya xilka guddoomiyaha caasimadda.
In kastoo maalmihii ugu dambeeyay uu muran ka taagnaa shahaadada jaamacadeed ee Sakaja haddana waxaa taageersan boqolkiiba 40 ee shacabka Nairobi.
Musharraxa xilka barasaabnimo ee Nairobi ee isbeheysiga Azimio Polycarp Igathe ayay taageeradiisu tahay boqolkiiba 32 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here