In ka badan 100 qof oo shacab ah oo lagu dilay Mali

0
224

Dowladda dalka Mali ayaa sheegtay in ugu yaraan 100 ruux oo rayid ah lagu dilay weerarro laga gaystay bartamaha wadankaasi.
Falalkan ayaa laga shakisan yahay inay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo ay dowladdu ku tilmaantay fallaago.
Bayaanka dowladda Mali waxaa ku cad in xubnaha kooxda Katiba Macina ay intii u dhexeysay Sabtidii ilaa Axaddii weerareen saddex tuulo oo ka tirsan gobolka Mopti.
Qoraalka ayaa intaasi ku daraya in dadka la dilay ay yihiin ugu yaraan 132 qof oo shacab ah halka shakhsiyaadkii falkaasi gaystay la aqoonsaday.
Mali iyo si guud bartamaha gobolka Sahel ayaa waxaa bilooyin ka jira dhacdooyin lagu tilmaamay xasuuq ka dhan ah shacabka oo lagu eedeyo kooxo hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here