DHAGEYSO:Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo kulan la qaatay guddiga ganacsatada Islii

0
374

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Nuur Madoobe oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulan la qaatay guddiga ganacsatada ee xaafadda Islii ee deegaanka Kamkunji.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha ganacsiga ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Kulanka ka dib ayaa ganacsatada xaafadda Islii waxaa ay qabteen shir jara’id oo ay uga hadlayaan kulanka ay la yeesheen Sheekh Aadan Noor Madoobe.

Dhanka kale Xildhibaan Aamino Eelaay oo ka mid ahayd Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegtay inuu Caafimaad qabo guddoomiyaha oo maalmihii la soo dhaafay la sheegay inuu aad u xanuunsanaa.