Wasiir Beyle “Waa abeen abuur aniga ma dhihin khasnadda dowladda waa buuxdaa”

0
447

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa been abuur ku tilmaamay warar maalmihii la soo dhaafay aad loogu hadal hayay Baraha Bulshada oo uu isaga horay u sheegay, kuwaas oo ahaa in dowladdii hore ee Farmaajo lacago farabadan uga tagtay qasnadda dowladda.
Wasiirka oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in lacagaha ay hayso Wasaaradda Maaliyadda aysan ku filneyn Shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada balse loo baahan yahay inay bixiyaan dadaal badan si loo helo.
“Aniga waxaa la ii weydiiyay Bishan 25-keeda ka bixin kartaan mushaarka, haa baan iri balse wixii ka dambeeya haddii aan la dadaalin la waayi karo, hayeeshee haddii la dadaalo la heli karo mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha dowladda.