Khilaafka madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmad Karaash oo sii xooggaysanaya

0
886

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmad Karaash, ayaa diiday inuu shir kala qayb galo wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamad Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka mid ahaa saddexdii wasiir ee uu xilka ka qaaday 5-tii bishii hore ee May.
Axmad Karaash ayaa ku amray wasiirka arrimaha gudaha inuu ka baxo shir arrimaha dowladaha hoose looga hadlayay, arrintaas oo markii dambe keentay in shirkii lagu kala tago.
Waxaa weli muuqda in Axmad Karaash uu ku adkaysanayo xilalkii uu ka qaaday wasiiradda arrimaha gudaha, amniga iyo maaliyadda, kuwaas oo lagu tiriyo saaxiibbada madaxweyne Deni.
Dhanka kale, baarlamaanka Puntland ayaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ku cadaadinaya inay heshiis ka gaaraan khilaafkooda, iyadoo laga yaabo in baarlamaanka oo hadda ku jira kalfadhigiisa uu mooshin ka keeno Golaha wasiiradda.
Ajendaha kalfadhiga baarlamaanka waxaa ku jira qodob ku saabsan khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, arrintaas oo u muuqata mid xal loogu raadinayo khilaafkooda oo saameyn ku yeeshay shaqooyinka maamulka.
Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu maanta kulan gaar ah la qaadanayo ku xigeenkiisa, iyada oo la filayo inay kawada hadlaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafkooda soo jiitamayay in muddo ah.
Deni oo dhawaan ku soo guul dareystay doorashadii madaxweynaha dalka Soomaaliya, ayaa haatan culeysyo badan wajahaya, waxaana horyaalla sidii uu u maareyn lahaa tabashooyinkii ka dhashay doorashadii xildhibaannada baarlamaanka.