Haweeney oo markii koowaad madaxweyne ku sime ah ka noqotay Soomaaliya

0
374

Markii ugu horreysay taariikhda dalka Soomaaliya, waxaa ku sime madaxweyne ka noqotay qof dumar ah, ka dib markii ay dalka dibaddiisa safarro kala duwan u aadeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.
Saakay waxaa dalka ka dhoofay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna garoonka Aadan Cadde shir kula qaatay guddoomiye ku xigeenka koowaad Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Madaxweynaha ayaa boqasho rasmi oo labo cisho ah ku joogi doono dalka Isutagga Imaaradka Carabta.