Ciidanka booliska Soomaaliya oo xalay toogasho ku dilay mid ka mid ah rag dhac ka gaysto Muqdisho

0
438

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Xalay toogasho ku dilay mid ka mid ah afar rag oo burcad ah, kuwaas oo dhac u gaysan jiray dadka ku dhaqan Xaafadaha Caymiska, Carafaat iyo Suuqa Xoolaha, waxaana la sheegay in saddexdii kale ay baxsadeen.
Toogashada Booliska Soomaaliya ay u gaysteen ninkan ka mid ka ahaa ragga burcada ee dhaca ka gaysan jiray xaafadahaasi ayaa la sheegay in dadka xaafadahan ay ciidamada Booliska wacdeen markii ay u adkeysan waayeen dhaca joogtada ah ee lagu haayay taas oo keentay in ciidanka Booliska Xalay ay howlgalka lagu dilay ninka ka sameeyaan xaafadda Caymiska.
Booliiska Soomaaliya waxay tilmaameen in ninka burcadka ahaa inta aanan la dilin uu isku dayay inuu iska caabin sameeyo, taas oo keentay in la toogto.
Dadka deegaanka oo qaarkood la hadalay warbaahinta waxay tilmaameen in shaqo wayn ay qabteen ciidamada dowladda Soomaaliya, ayna ku faraxsan yihiin dilka loo gaystay mid ka mid ka ahaa tuugada, iyagoona ugu baaqay ciidamada dowladda in ay soo qabtaan Raggii kale ee la socday.
Shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waxay dhibaato xooggan kala kulmayeen tuugo ku hubaysan hubka fudud kuwaas oo habeen iyo maalin dhac ka gaysta inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho.