Al-Shabaab oo sheegtay inaysan wax wadahadal ah la geli doonin dowladda Soomaaliya

0
611

Kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan marnaba wax wadahadal ah la geli doonin dowladda federaalka Soomaaliya, taa beddelkeedana ay qorsheynayaan inay la wareegaan xukunka dalkaasi.
Hoggaamiye ku xigeenka ururka Al-Shabaab, Cabdiraxmaan Maxamad Warsame oo loo yaqaano Mahad Karate, ayaa hadalkan sheegay, ka dib markii wareysigii ugu horreeyay uu siiyay warbaahinta Channel 4 ee laga leeyahay UK, islamarkaana uu u warramay wariyaha rugcadaaga ah ee Jamaal Muxumad Cismaan.
Dhawaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu wadahadal la furi doono kooxda Al-Shabaab, ka dib marka ay dowladdiisa hoos u dhigto awoodda ay kooxdan haatan leedahay.
Mahad Karate oo uu Mareykanka dul dhigay shan million oo doolar, ayaa sheegay inaysan dowlad ka aaminsanayn dowladda Soomaaliya oo ay dunida aqoonsan tahay , wuxuuna sida uu aaminsan yahay sheegay inaysan wadahadal la galeyn dowlad ka soo horjeeda shareecadda Islaamka.
“Anaga sideedaba nimankan dowlad kama aaminsanin, Cumuumana cid kasta oo ay shareecada ilaahay noo diiday inaan la hadalno, la hadli mayno, Ciddii ilaahay shareecaddiisa noo banaysay inaan la hadalno, waan la hadlaynaa,”ayuu yiri Mahad Karate.
Mahad Karate ayaa ku eedeysan inuu door muhiim ah ka qaatay weerarkii Jaamacadda Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya ee sanadkii 2015-kii.
Marka laga soo tago taas, weerarro ismiidaamin ah iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ah, ayaa la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay.
10-kii bishii Afaraad ee sanadkii 2015-kii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa Karate u aqoonsatay inuu ka tirsan yahay agagixisada caalamiga ah, waxaana la dul dhigay shan million oo doolar.