Deni oo shaaciyay doorkii uu ku lahaa isbeddelka doorasho ee ka dhacay dalka Soomaaliya

0
385

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay doorashadii Madaxweynenimo ee uu uga qayb galay Magaalada Muqdisho iyo doorkii Puntland ku lahayd in isbeddel uu ka dhaco hoggaanka dalka Soomaaliya.
Waxaa uu Maanta khudbad ka jeedinayay furitaanka kal-fadhigga 50-aad ee Baarlamaanka Puntland ayuu u mahadceliay cidkasta oo taageerro u muujisay markii uu isku sharraxay xilka Madaxweynaha dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in uu aaminsanaa in uu yahay qofka ka saari kara caqabadaha ka jira Soomaaliya balse taasi ay dhici weysay.
Sidoo kale Deni wuxuu sheegay in shirarkii uu uga qayb galay Magaalada Muqdisho, sida shirkii golaha wadatashiga qaran ay kaga heshiiyeen madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada arrimo ku saabsan dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka mid ahaa musharrixiintii soo gaaray wareegyadii ugu dambeeyay ee tartankii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, hayeeshee ugu dambeyn ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here