Somaliland oo ka hadashay shirkii uu ka baxay safiir Tarsan

0
369

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay inay ka xuntahay tallaabadii Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Maxamuud Axmad Nuur Tarsan uu uga baxay kulankii Safiirrada uu ku casuumay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo diidaya ka qayb galka Wakiilka Somaliland ee Kenya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu yiri “Waxay tani si cad u muujinaysaa nacaybka iyo cadaawada fog ee ay Soomaaliya u qabto Somaliland iyo shacabkeeda.
Somaliland waa dal madax-bannaan, dimuqraadi ah oo ku taamaaya nabad iyo xasilooni kula noolaada dalalka aan deriska nahay ee Soomaaliya ay ku jirto ayaa lagu yiri” War-saxaafadeedka.
Danjire Tarsan ayaa la sheegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga beddelo, ka dibna danjiraha shirka ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.
Somaliland ayaa wakiil ku leh Nairobi, mana cadda mansabka uu wakiilkooda ku joogay shirkaasi.
Kenya ayaa rasmi ahaan u aqoonsan Somaliland inay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya, balse sanadihii dambe ayay Nairobi sare u qaadday xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa marar badan ku eedeysay Kenya inay faragelin toos ah ku haysa arrimaha gudaha ee Soomaaliya, hasa ahaate Kenya ayaa beenisay eedeyntaasi.
Warkan ka soo baxay Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Kenya ay raali gelin ka bixsay qorshihii Calanka Somaliland loogu dhex arkay shirkii uu Safiirada ku casuumay Madaxweynaha Kenya taas oo keentay in uu ka baxo Safiirka Soomaaliya ee Kenya.