Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo arrimaha doorashada Beesha Caalamka kala hadlay

0
634

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay sii anba qaadida wada xaajoodyada DFS iyo Maamul goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Todobaadkii hore wakiillada beesha caalamka ayaa waxay kulan la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha, waxayna ka dalbadeen iuu qaato doorkiisa ku aadan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Kulanka Maanta uu Ra’iisul Wasaare Rooble la qaatay wakiillada beesha caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli an wax heshiis ah laga gaarin Muranka doorashada Soomaaliya.