Maxaa keenay in danjire Tarsan uu isaga baxay kulan uu Uhuru isugu yeeray safiirrada u fadhigooda yahay Kenya?

0
613

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmad Nuur Tarsan ayaa la sheegay inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirrada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay mas’uuliyiin matalayay jamhuuriyadda Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarrada Soomaaliya.
Kenyatta ayaa maanta la yeelanayay diblomaasiyiinta kulankiisii ugu dambeeyay ka hor doorashada dalka Kenya ka dhaceysa bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Danjire Tarsan ayaa la sheeegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga beddelo, kadibna danjiraha shirka ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.
Somaliland ayaa wakiil ku leh Nairobi, mana cadda mansabka uu wakiilkooda ku joogay shirkaasi.
Kenya ayaa rasmi ahaan u aqoonsan Somaliland inay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya, balse sanadihii dambe ayay Nairobi sare u qaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland. Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Farmaajo ayaa marar badan ku eedeysay Kenya inay farogelin toos ah ku heysa arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kenya ayaa beenisay eedeyntaasi.
Dowladda Kenya iyo Somaliland midkoodna kama hadlin arrintan u dambeysay, Laakiin wakiillada Somaliland u fadhiya caasiamadda Nairobi ayaa xaqiijiyay inay casumaad ka heleen madaxtooyada Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here