Muuse Biixi oo ka hadlay muranka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland

0
348

Madaxdweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xisbiyada muraacadka ah ay tuhunsan yihiin inuu muddo xileedka dheeraysan rabo, balse aanu taa sharci u haysan.
Isagoo xalay magaalada Ceerigaabo kula hadlay waxgaradka iyo madaxda dhaqanka gobolka Sanaag, ayaa Madaxweynhuhu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ka dhalatay dibadbixii 9-kii bishan ka dhacay magaalada Hargeysa.
Waxaa uu ka warramay sababta keentay in xukuumaddiisa ay mucaaradka u oggolaan weydo inay qabsadaan mudaharaad nabdoon, sida ay ku doodeen hoggaamiyayaasha labada xisbi mucaarad.
“Waraaq wargelin ah ayay soo qoreen, waxaa la yiri isu-key keena, wayna ka xanaaqeen oo waxba nooma oggola oo way na meer-meerinayaan bay dhaheen, Dhibaato aynan u baahnayn baa ka dhacday, Hadday dad ku dhaawacmeen, hadday xarig tahay, hadday buuq tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse.
Xisbiga ugu weyn mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen taageerayaashiisa dibadbaxayay, ilaa haatana ay xiran yihiin mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga.
Madaxweynaha ayaa dhankiisa sheegay inuu diyaar u yahay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka taagan, isagoo intaa raaciyay in dunida ay caadi ka tahay in la isku maan-dhaafo arrimaha doorashada.
Waxaa uu madaxweyne Muuse Biixi dafiray inuu doonayo in doorashada madaxtinimada Somaliland ay ka dib dhacdo 13-ka bisha 11-aad ee sanadkan, sidaana loogu kordhiyo muddo xileedkiisa.
“Ma doonayo naaneys la yiraahdo waa loo kordhiyay oo wuu sii dheeraystay, Markii hore hadh cad baanu tartannay anaga iyo mucaaradku, iminkana kuwa soo bixi doona hadh cad baan la tartamayaa,” ayuu yiri Muuse.
Waxa auu si faahfaahsan uga hadlay arrinta khilaafka abuurtay ee ah furista xisbiyada, taasoo uu ku dooday inay tahay mid aan la dhaafi karin oo dastuuri ah.
“Marka hore waa in xisbiyo ay soo baxaan tobankii sano ba mar oo dadkii tobanka sano xirnaa ay soo galaan, sharcigeeduna waa dhan yahay, Haddii xisbiyada la dhameeyo tii kalena way taagan tahay. Qeyladan iyo buuqan ayaa sii daahinaya doorashada madaxtinnimada, Doorasho jiitanta xageyga ka iman mayso,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Mucaaradka ayaa diidan inay dhacdo doorasho xisbiyada lagu furayo oo ka hor marta tan madaxweynaha ee loo asteeyay 13-ka bisha 11-aad.
Kulamo dhowr ah oo Madaxweynaha iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ay arrintan ka yeesheen ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday.
Xisbiga Waddani ayaa ku hanjabay haddii aan la sii deyn mas’uuliyiinta ka xiran uu mar kale abaabuli doono dibadbaxyo nabdoon, islamarkaana aanu ka qayb geli doonin wadahadal lala yeesho xukuumadda.
Dalalka daneeya arrimaha Somaliland ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda taagan, iyagoo dhinacyada ugu baaqay inay is xakameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here