Yuu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabi doona ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya?

0
378

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in dhawaan uu shaaciyo qofka uu u xushay ra’iisul wasaaraha cusub, si loo soo dhiso xukuumad la wareegta talada dalka.
Ilaa iyo hadda, si rasmi ah looma xaqiijin qofka uu noqonayo ra’iisul wasaaraha cusub, waxaana baraha bulshada ee ay Soomaalidu ku wada xiriirto lagu faafiyay magacyada shakhsiyaad kala duwan.
Sida caadiga ah, ra’iisul wasaaraha cusub ayaa lagu soo magacaabaa muddo 30 cisho gudahood ah, oo ka billaabanaysa marka la doorto Madaxweynaha.
Haddaba qormadan waxaan ku eegi doonnaa shakhsiyaadka iyo siyaasiyiinta saameynta ku yeelan kara magacaabista la filayo inay dhawaan dhacdo.
Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland
Axmad Maxamed Islaam (Axmad Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in ugu yaraan laga talo-geliyo qofka loo magacaabayo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Sababta ugu wayn ayaa ah in sida qaalibka ah uu qofkaas noqon karo mid ka soo jeeda deegaannadooda, marka la eego saami qaybsiga 4.5 ee uu ku salaysan yahay awood qaybsiga siyaasadda Soomaaliya.
Axmad Madoobe iyo Saciid Deni ayaa sidoo kale taageerro siyaasadeed u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, hadda oo uu hoggaanka hayo iyo weliba markii uu waday ololaha uu ugu jiray madaxtinnimada Soomaaliya.
Waxay ka filayaan Madaxweyne Xasan ayaa ah inuu keeno qof ay saddexdooduba ku qanacsan yihiin, islamarkaana ay wada shaqeyn karaan.
Saaxiibbada siyaasadeed
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu leeyahay saaxiibbo siyaasadeed oo isugu jira kuwo ay isbarteen inta aanu siyaasadda soo gelin iyo kuwo ay saaxiibtinnimadooda soo billaabatay markii koowaad ee uu noqday madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa markii koowaad ee la doortay 10-kii bishii Sagaalaad ee sanadkii 2012-kii waxa uu 25 maalin ka dib ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Ra’iisul wasaare Saacid ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka saaxiibbada Xasan Sheekh, maadaama xilligaas aanay jirin hoggaamiyeyaal maamul-goboleed oo u abaal sheegan karay madaxweynaha.
Waxaa mar kale suurtagal ah in saaxiibbada siyaasadeed ee madaxweynaha ay saameyn ku yeeshaan cidda uu ka dhigayo ra’iisul wasaaraha.
Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa la filayaa in shuruudaha ugu waawayn ee uu ku dooran doono ra’iisul wasaaraha cusub ay tahay inuu noqdo qof ay wada shaqeyn karaan, si loo yareeyo khilaafka soo noq-noqday ee dhexmara madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
Xilligii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu magacaabay saddex ra’iisul wasaare oo labo uu baarlamaanku u qaaday codka kalsooni-darrada, halka kan saddexaad, waa Cumar Cabdirashiid, ay isla dhamaysteen iyagoo uu khilaaf dhex yaallo.
Madaxweynihii hore, Maxamad Cabdullahi Farmaajo, ayaa isna magacaabay labo ra’iisul wasaare, inkastoo uu horay u ballanqaaday inay isla dhamaysan doonaan Xasan Cali Kheyre oo ay isla billaabeen.