DHAGEYSO:Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in Soomaaliya ay ka jirto xaalad Khatar ah

0
666

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markale ka hadlay xaaladda abaareed ee ka jira guud ahaan dalkaasi, taas oo u baahan in wax laga qabto.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadal ka jeedinayay Kulankii Maanta ee labada Aqal ayaa sheegay in Gobollada Soomaaliya oo ay ku jirto Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland ay abaarta ka jirta ay si wayn u saameysay ku dhawaad 8 milyan oo qof, kuwaas oo wajahaya xaalad khatar ah.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale ay jiraan in dad farabadan oo abaarta uga barakacay Gobollada Dhexe gaar ahaan Baay, Bakool iyo Gobollada kale ee Puntland iyo Gedo, kuwaas oo aysan jirin cid u gurmatay ama wax u qabatay ka dib markii dadka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha samafalka ay gaabiyeen.
Waxaa uu ka war bixiyay xaaladda abaarta ee Soomaaliya.