Faahfaahin:-Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0
412

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iyo bartilmaameedka qaraxii saakay ka dhacay wadada Cabdiqaasin – degmada Hodan ee gobolka Banaadir ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Qaraxaas oo noociisu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday gaadiid uu la socday Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cabaas oo marayay agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan.
Inta la xaqiijiyey laba askari oo ka tirsaneyd ilaalada Taliyaha ayaa ku geeriyootay qaraxaas.
Sidoo kale waxaa jira khasaare u badan dhaawacyo oo soo gaaray dad u badan shacab, kuwaas oo wadada marayey.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa ka dib ay goobta gaareen ciidamo boolis ah, kuwaas oo xiray wadada.
Wixii ka kordha kala soco Star Fm