DHAGEYSO:Fahad Yaasiin oo sheegay in Mahad Salaad uu ka tirsan yahay Al-Shabaab muddo 8 sano

0
471

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii hore ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA, sido kalena ahaa la taliyihii amniga qaranka ee madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid ah waxyaabihii dalkaasi ka dhacay 5-tii sano ee la soo dhaafay.
Wareysi uu bixiyay maalmo ka hor balse baraha bulshada loo soo gelinayay qayb ama goosgoos ayuu maanta waxaa uu ku sheegay in agaasimaha cusub ee hadda ee NISA Mahad Salaad uu yahay qof ay ahayd in la baaro uuna ku khaldan yahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabo xilkaasi .
Fahad oo si kulul u hadlayay ayaa si bareer ah u sheegay in marar badan ay ka hor tageen qorsho uu maleegay Mahad Salaad.
Waxaa uu Fahad Yaasiin sheegay in Mahad Salaad uu muddo 8 sano ka tirsan yahay Al-Shabaab uuna isku dayay in uu khaarajiyo mid ka mid ah Ra’iisul wasaarayaashi xilka soo qabtay intii uu ahaa Taliyaha Nisa.
Waxay ka dhigan tahay in uu Fahad markhaati gashay Khayre & Rooble midkood iyadoo Mahad saaxiib dhow la ahaa Rooble dhanka kalena uu aad u xiriir xun kala dhexeyay Xasan Cali Kheyre
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu yiri Fahad Yaasiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here