Shirka golaha wadatashiga qaran oo maanta la soo gaba-gabeeynayo

0
427

Waxaa Maalintii labaad Xarunta Madaxtooyada ka socda Shir ay leeyihiin Golaha wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo ka kooban Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha 5-ta dowlad Goboleed & Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana shalay furmay ayaa waxaa looga hadlay dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.
Madaxda Golaha wadatashiga Qaran ayaa Maanta sii amba qaadaya kulankooda, iyaga oo kaga hadli doono arrimo ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta dowladda Federaalka & dowlad Goboleedyada iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.
Maanta Gelinka dambe ayaa la filayaa in la soo gaba-gabeeyo Shirka Golaha wadatashiga Qaran, iyada oo laga soo saarayo War-saxaafadeed ku saabsan waxyaabaha ay Madaxda ku heshiiyeen.