Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya SAWIRRO:Madaxweyne Xasan Sheekh oo ganacsatada soomaalida Kenya kala hadlay gurmadka abaaraha

SAWIRRO:Madaxweyne Xasan Sheekh oo ganacsatada soomaalida Kenya kala hadlay gurmadka abaaraha

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee  Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijka shaqo abuur qaran ee uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhawaaqay, isagoo uga mahadceliyey dadaallada ay ku bixiyeen adkeynta dowladnimada.
Ganacsatadaan oo magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Xilka loo doortay, waxa ayna ballanqaadeen in ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan gurmadka abaaraha dalka.
Ganacsatada Soomaalida Kenya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay si wayn uga qayb qaateen gurmad loo sameeyay dad ay Gudaha Soomaaliya ku saameeysay abaar ka dhacday.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments