Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Olole dhallinyarada looga dhaadhicinaya in ay taageeraan BBI oo la billaabay

Olole dhallinyarada looga dhaadhicinaya in ay taageeraan BBI oo la billaabay

Waxaa gobolka bariga dalka laga billaabay olole lagu doonayo in dhallinyarada la fahansiiyo qorshaha sharci beddelka ee BBI si ay u taageeraan.
Xoghayaha waaxda arrimaha dhallinyarada u qaabilsan dhanka maamulka sare Nadia Cabdalla ayaa hoosta ka xarriiqday in ololahan loogu magacdaray ‘Kenya Ni Mimi’ oo ay micnaheedu tahay Kenya waa aniga.
Waxay sheegtay in barnaamijkan uu yahay mid lagu xoojinayo wadaniyadda da’yarta.
Xilli ay ku sugnayd ismaamulka Isiolo ayay Nadia Cabdalla sheegtay in ujeedka laga leeyahay arrinkan aynan ahayn oo keliya in dhallinyarada ay BBI codkoodu ku taageeraan marka sida uu qorshuhu yahay bisha lixaad ee sanadkan la qabto afti qaran oo dastuuri ah.
Ololaha lagu qabtay Isiolo waxaa ka qayb galay boqolaal dhallinyaro ah oo ka soo jeedo dowlad deegaannada Embu, Tharaka Nithi, Meru, Isiolo iyo Marsabit.
Dhallinyarada ayaa fursad u helay in ay labo cisho dareenkooda ku soo bandhigaan kulan looga qaybgeliyay geeddisocodka arrimaha bulshada , dhaqaalaha iyo hoggaanka ee wadanka.
Bishii 12-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu si rasmi ah ku daahfuray barnaamijkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments