Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Waraysi bixiyay ayaa dilkii Ikraan Tahliil dusha u saaray Saddex masuul oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo kala ah Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble, Mahad Salaad oo dhawaan loo magacaabay agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala.
Fahad Yaasin oo arrintaas ka hadlaya ayaa wuxuu yiri “Gabadhaan waxaa marka hore la geeyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Waxay ahayd shaqo doon, ka dib Mahad Salaad ayaa gaari kusoo qaaday, waxaana la geeyay Daarusalaam, ka dibna Jilib ayaa la sii geeyay, halkaas ayaana lagu dilay, waxaana dilka fuliyay Mahad Karataay oo Xiriir dhow ay leeyihiin Mahad Salaad”
Gacanta fulisay dilka Ikraan Tahliil waxaa lahaa Mahad Salaad, Farsamadana waxaa lahaa Al Cadaala, maskaxdana waxaa lahaa Rw Rooble, dilkana waxaa gaystay Al Shabaab”
Aakhiro waxaa la weydiin doonaa Insha Allah Ra’iisul Wasaare Rooble, Gabadhaan waxaa dilkeeda ka dambeeyay saddexdaas rag iyo Al Shabaab”.




