DHAGEYSO:Faysal Cali Waraabe “Waxaa ayaan darro ah in 30 sanno ka dib Muqdisho laga dabaal degga Hargeysana ay dhaawacyo yaalaan’’

0
488

Waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay shalay bannaanbax , kaas oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka mid ah mucaaradka iyo bulshada.
Dibadbaxa ayaa waxaa ka dhashay rabshado iyada oo ay jireen sida la sheegay dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha.
Waxaa muuqaal laga arkayay ciidmada booliska ee Somaliland oo baabuur ku eryanaya dad uu ka mid yahay hoggaamiyaaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Cirro.
Mucaaradka ayaa dalbanaya in doorasho degdeg ah la qabto iyo in uu xilka uu iska casilo madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi.
Ku xigeenka xoghayaha ganacsiga ee xisbiga Wadani Cabdirashid Suleymaan oo ka hadlay arrintaas ayaa ciidamada booliska ah ku eedeyay iskuday dil oo ay la damacsanaayeen guddoomiye cirro.

Dhanka kale guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Soomaaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo asna saxaafada la hadlay ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay isku soo baxaan, sii mudaaharaad loo sameeyo.
Maalinta Sabtida oo berri ah ayuu sheegay in la qabanayo dibadbaxaas kaas oo sida uu sheegay ka dhaci doona guud ahaan Soomaaliland.
Waxaa uu yiri “Waxaa ayaan darro ah in 30 sanno ka dib Muqdisho laga dabaal degga Hargeysana ay dhaawacyo yaalaan’’
Mar uu arrimaha ka hadlay ayuu yiri Faysal Cali Waraabe