Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya (NISA) iyo la-taliyihii hore ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa bixiyay wareysi dhif ah oo lagu shaaciyay baraha bulshada.
Waxaa uu Fahad ku sharraxay wareysiga oo ka baxay bogga Gaylan Media, oo taageeri jiray dowladdii madaxweyne Farmaajo ee uu xudunta u ahaa Fahad Yaasiin.
Waxaa uu wareysiga ku sheegay waxyaabo ka mid ah noloshiisa.
Wareysiga uu hadda bixiyay waxa uu ku sheegay inuu dhashay dabayaaqadii 1970-meeyadii balse xog aan helno ayaa sheegeysa inuu ku dhashay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ee Soomaaliya sanadkii 1977-dii, uuna kusoo dhex koray qoys diimeed, carruurnimadiisiina uu la qaatay hooyadiis.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in isagoo 16 sano jir ah uu noqday macallin dugsi quraan, oo muddo 11 sano ku dhow uu ahaan macallin Qura’aanka dadka bari jiray sidoo kale Imaam masaajid soo noqday.
Muxuu u aamusnaan jiray Fahad?
Waraysiga lagu hadal hayo baraha bulshada waxa uu ku sharraxay sababta uu ugu caan baxay inuu ahaan jiray qof aamusan.
“Waxaa suuragal ah in ay tahay khibradda aan saxaafadda u leeyahay, Waxaa fiican in hadalkaaga uu munaasab leeyahay, oo uu wakhti ku aaddan yahay, waqtigaasna uu nacfi u leeyahay.
“Qodobka labaad, aamuskeyga ma ahayn wax aan aniga doortay, waxa uu ahaa mid qayb ka ah shaqadayda, Nin sirdoon ah oo shir jaraa’id taagan waligeed lama arkin, Soomaaliya ayay ka dhici jirtay wax sax ahna ma ahayn, in aaniga idaacad soo istaago oo aan ka hadlana munaasabaddeediba ma ahayn ba,” ayuu yiri Fahad Yaasiin
Kiiska Ikraan Tahliil
Wareysiga qaybta koowaad, Fahad kuma uusan soo hadal qaadin dhimashadii Ikraan Tahliil oo isaga shakhsi ahaan lagu eedeeyay, ayna jireen dacwado ka dhan oo maxkamadaha loo gudbiyay.
Dad badan ayaa wareysiyada uu Fahad bixiyo u xiisaynaya si ay u ogaadaan inuu jawaab ka bixiyo su’aalaha badan ee ku geedaaman kiiska Ikraan Tahliil.