Xasan Sh Maxamuud oo loo caleema saaray madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya

0
692

Xafladda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa Maanta oo Khamiis ah lagu qabtay teendhada Afisyooni ee magalada Muqdisho, waxaana kasoo qaybgalay madax ka socota caalamka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa lagula xisaabtami doono waxqabad, islamarkaana uu ka shaqeyn doono baahinta nidaamka federaalka, dastuurka, wadahadallada Somaliland, iyo amniga dalka.
Waxaa uu sharraxaad dheer ka bixiyay hal-ku-dhiggiisa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
Waxaa uu sheegay inay Soomaaliya saaxiib iyo iskaashi la yeelan doonto dal kasta oo aan madax-bannaanida Soomaaliya ku xadgudbin, islamarkaana u ka shaqeyn doono xiriir ganacsi oo Soomaaliya dunida la yeelato.
Xasan Sheekh ayaa ka hadlay waxyeellada abaarta, isagoo sheegay in kumannaan Soomaali ah ay wajihi karaan macluul, isagoo codsaday wax ka qabashada abaartan.
Waxaa dhanka kale xafladda caleema saarka ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad oo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub, islamarkaana u ballanqaaday taageerrada dowladda Itoobiya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dib u soo doorashada iyo caleema saarka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu kala shaqayn doono madaxweynaha cusub hagaajinta xiriirka labada waddan, sida ganacsiga.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu la yimid kalgacal iyo walaaltinimo.
Waxaa uu sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay Soomaaliya, diyaarna u yihiin inay la shaqeeyaan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkan loo doortay 15-ka bishii hore ee May, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo uu Magacaabo Ra’iisul Wasaare.