Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Maraykanka oo baaq u diray Midowga Afrika

Maraykanka oo baaq u diray Midowga Afrika

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamka ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan xal u helidda dhibaatooyinka ka jiro gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.
Waxaa uu sidoo kale cambaareeyay xadgudubyo la sheegay in ay halkaas ka dhaceen.
Bayaan ka soo baxay xafiiska xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu xusay in gobolka Tigray ay ka taagan tahay xaalad baniaadanimo oo sii xumaanaysa.
Waxay tani ku soo aadaysaa hal maalin un ka dib markii hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International warbixin ay soo saartay ay ciidamada dowladda Eritrea ku eedeysay in sanadkii hore 24 saac gudahood ay gobolka Tigray ku dileen boqolaal qof oo shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments