Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inay billaabi doonaan kormeer laga sameynaya xarumaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Tani ayaa lagu xaqiijinaya in maamullada dugsiyadan ay dhameystireen kaabayaasha fududeyn karo adeegsiga manhajka tacliinta ee CBC.
Wasiirka ayaa sheegay in dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ee wadanka ay hadda diyaariyeen 1,200 oo fasallo ah iyagoo ballanqaaday inay tiradan gaarsiin doonaan 5,000 ka hor bisha 1-aad ee sanadka dambe.
Prof. George Magoha ayaa dhanka kale xusay in dowladdu ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii ardayda dhameeya dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ugu gudbi lahayeen dugsiyada sare.
Waxaa uu intaasi ku daray in guud ahaan wadanka laga dhisay 10,000 oo fasallo ah iyadoo macallimiin dhan 60,000 la siiyay tababarro ku saabsan nidaamka tacliinta ee CBC.
Wasiir Magoha ayaa laga soo xigtay in arday gaaraya 2.5 milyan ay billowga sanadka 2023-ka ku biirayaan heerka waxbarasho ee loo yaqaano Junior secondary education.
Heerkan ayaa ah fasallada 7-aad, 8-aad iyo 9-aad oo ay dhigan doonaan carruurta ay da’oodu u dhexeyso 12 ilaa 14 sano.