Baydhabo:Meydka haweeney maalmo la la’aa oo suuli laga helay

0
420

Sida lagu baahiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta gudaha haweeney lagu magacaabo Alle ha u naxariistee Aamino Maxamuud, ayaa meydkeyda galabta laga soo saaray Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, ka dib baaritaan socday maalmihii la soo dhaafay oo lagu baadi goobayay haweenaydan hadda maydkeyda la helay.
Ciidamada Nabad sugidda Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay in meydka haweenaydan ay ka soo saaraan Suuliga oo uu ku riday sida la sheegay nin lagu eedeyay inuu dilkeeda ka dambeyay.
Ninka lagu tuhmayo dilka Aamino ayaa wararku sheegayaan inay ku lahayd dayn aan faahfaahin laga bixin waxa ay ahayd.
Wuxuu ugu yeeray gurigiisa oo uu u ballanqaaday inuu ku wareejinayo, maadaama uusan bixi karin dayntii ay ku lahayd” layaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay bogga Facebook-ga ee Radio Muqdisho.
Markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, ka dibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana muddo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuumad Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda ayaa la raaciyay warkan la soo dhigay baraha warbaahinta Qaranka.
Dhacdadaan ayaa argagax ku noqotay ehelka iyo dadka ku nool aagga laga helay meydka Aamino Maxamuud