Maxay xisbiyada mucaaradaka Soomaliland ka dhaheen in guddigii doorashooyinka ay gebi ahaanba meesha ka baxaan?

0
343

Guddoomiyaha xisbiga Ucid ee mucaaradka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay inay nasiib-darro wayn iyo dhabar-jab ay tahay in guddigii doorashooyinka ay gebi ahaanba meesha ka baxaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in talo guud oo lagu badbaadinayo Somaliland iyo nabadgelyadeeda ay qaban doonaan.
Hadalkan ayaa waxa uu imanayaa ka dib markii saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida doorashooyinka ee Somaliland ay shalay iscasilaadooda u gudbiyeen madaxweyne Muuse Biixi.
Arrintan ayaa ka dhigan in gebi ahaanba uu burburay guddiga doorashooyinka Somaliland, xilli lagu wado in 13-ka bisha 11-aad ee sanadkan ay dhacdo doorashada madaxweynaha oo laf ahaanteeda khilaaf siyaasadeed uu ka taagnaa.