Madaxweyne Xasan Sh “Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la isaga xorreynayo”

0
470

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada maamulka Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimuqraadiyadda dalka iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in caqabadda ugu wayn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan ururka Al-Shabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin inay wadajir uga xorreeyaan dalka.
“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku seexdo ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.
“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la isaga xorreynayo, ka dibna dadka kale ay ku daydaan” ayuu yiri madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.
“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga, Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya xilli uu safar booqasho ah uu maalintii labaad ku joogo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kaasoo qayb ka ah safar uu madaxweynaha ugu magacdaray Soomaali heshiis ah.