Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamul goboleedka Galmudug gaaray oo si wayn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tegay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) Xubno kale oo ka mid ah Maamulkaasi, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka & qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka Magaalada.
Safarkan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay maanta Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu qayb ka yahay booqashada uu ku tegayo qaar ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya, isaga oo u kuurgalaya xaaladaha dhanka nolosha ah ee ka jira.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh oo si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb