Dowladda Soomaaliya iyo midowga musharaxiinta oo heshiis kala saxiixday iyadoo banaanbixii berrito dib loo dhigay

0
825

Shirkii ay yeesheen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray Qodobbo dhowr ah, kuwaasi oo ay isku raaceen Mas’uuliyiintii tan iyo Galabta ilaa caawa ku shirsanaa Huteel Decale, kaasi oo ay ka qayb ahaayen qaar ka mid ah Musharixiinta mucaaradka, RW Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay wixii dhacay 19-kii bishaan markii la xabadeeyay Midowga Musharaxiinta iyo banaanbaxayaal.
Waxaa sidoo kale ka mid ah qodobada kasoo baxay in banaanbixii berri dib loo dhigo oo la qabto 10 maalin gudahood banaanbax weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here